|
Laasqorey,(insidesomalia.org)-Dhawaan ayaa deegaanka Laasqoray waxaa booqday saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka Puntland, kuwaasi oo halkaasi u booqday sidii ay u soo indha-indheyn lahaayeen xaalada deegaankaasi iyo ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka oo saldhigyo ku leh bartamaha iyo daafaha magaalada Laasqoray.
Isku xidhaha ciidamada ee gobolada Kar-kaar, Sanaag iyo Bari Maxamed Saciid Jaqanaf ayaa wafdigaasi hogaaminayay iyaga oo markii ay gaadheen gudaha Laasqoray durba bilaabay la kulanka Saraakiisha ciidanka ee Puntland ka tirsan ee ku sugan Laasqoray.
Sidoo kale markii ay la hadleen Ciidamada Puntland ee Saldhigyada Laasqoray Ku yaala ku sugan ayaa waxa ay saraakiishu guda galeen Kulamo ay la qaateen Cuqaasha deegaankaasi Kuwaasi oo ay kala hadleen amaanka Deegaankaasi iyo sidii aysan markale u dhici lahayn in ciidamo somaliland ka tirsan aysan soo galin gudaha magaaladaasi.
jaqanaf oo la hadlaya warbaahinta ayaa sheegay In Ciidamada Puntland aysan weerar u diyaar ahayn waqtigan balse ay difaac muujin doonaan haddii weerar lagu soo qaado.
Sidoo kale Intii ay saraakiishu ku sugnaayeen Laasqoray Waxaa ay la kulmeen Ciidamo somaliland Hore uga tirsanaa kuwaasi oo maalmo ka hor sheegay in ay isaga baxeen Somaliland iyada oo odayaasha Deegaanka Laasqoray ay ku qanciyeen Ciidamadaasi somaliland ka goostay In aay ku biiraan puntland si isku dhac labada Ciidan dhexmarta looga fogaado taasi waxaa la shegay in ay ogalaadeen ciidankaasi oo ku biireen Ciidamada Puntland ee laasqoray Jooga waxaana ay ciidamadani tiradoodu gaaraysaa 150 askari asla ahaan ka soo jeeda deegaankaasi.
Dhawaan ayaa laasqoray waxaa gaaray ciidamo ka tirsan Somaliland kuwaasi oo magaalada galay ka dib markii ay odayaasha deegaanku ay ka dalbadeen labada ciidan in ay isaga baxaan deegaankaasi hasse ahaatee Ciidamada Puntland ayaa dib iyagu uga soo baxay halkaasi halka kuwa somaliland ay kuba sii durgeen Gobolkaasi taasi oo sababtay in ciidamadii puntland ay dib ugu soo laabtaan Gudaha laasqoray Iyada oo kuwii somaliland ay dib ugu laabeeteen Ceerigaabo.
Madaxweyne cadde Musse ayaa dhawaan kulan u la qaatay ganacsatada ugu sheegay in aysan laasqoray ku soo laaban ciyaar ciyaar balse ay ahayd arin ay puntland tixgalin balaaran siisay.
|